Kenya oo qunsuliyad ka furanaysa Somaliland

Uhuru Kenyatta ayaa faragelin ku haya madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo sidii dal ula macaalimaya Somaliland oo hadda hogaamiyaheeda Muuse Biixi ku sugan Nairobi. 

Warar Keydmedia Online
Kenya oo qunsuliyad ka furanaysa Somaliland

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa inay Qunsuliyad ka furato magaaladda Hargeysa dhamaadka bisha March 2021, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Uhuru Kenyatta.

Go'aankan ayaa yimid kadib booqashadda Muuse Biixi uu ku tagey dalka Kenya shalay, isagoo kulan ka qaatay Uhuru Kenyatta, oo ay kawada hadleen aririmo xiririkooda ku saabsan, oo ay kamid yahay qunsuliyadda.

Kenya ayaa taageerta Axmed Madoobe, waxayna hadda u muujisay Somaliland taageero taasi lamid ah, si ay ugu adkaato dagaalka ay kula jirto dowladda Farmaajo uu hogaamiyo ee fadhisa Muqdisho, taasoo ku dhawaaqday xalay inay xiririka u jartay Nairobi.

Dowladda Federaalka ayaa u yeertay diblomaasiyiinta ka jooga Nairobi, waxayna ku amartay kuwa Kenya inay Muqdisho uga baxaan 7 maalmood, oo maanta oo Talaado ah ka billaabatay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.