Kenya is Somalia’s true friend, says diplomat
Warka ka soo baxay Kenya waxaa lagu sheegay in ay aqoonsan tahay hal dowlad oo Soomaaliyeed oo Federaal ah, sida ay hore billowgii sanadkaan u sheegtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo.
NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa si degdeg ah raalli galin uga baxisay, tallaabadii uu calanka maamulka Somaliland kaga soo dhex muuqday munaasabad uu Uhuru Kenyatta ku casuumay dublamaasiyiinta caalamiga ah ee ku sugan magaalada Nairobi.
Dowladda Soomaaliya, ayaa Kenya xalay ku eedeeysay in ay ku xad-gudubtay Midnimada iyo Madaxbanaanida Dhuleed ee Soomaaliya, kadib markii Uhuru Kenyatta hab maamuus u dhigma diblumaasi dal madax bannaan siiyay ergo ka socotay Soomaaliland.
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, ayaa sheegtay in Safiirka Soomaaliya Amb. Maxamuud Axmed Nuur [TARSAN] uu ka baxay kulankii Khudbad Sannadeedka Madaxweynaha ee Diblomaasiyiinta, kaasoo shalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Kenya.
Safaaraddu waxa ay sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay si bareer ah u casuuntay shaqsi ka soo jeeda degaannada Somaliland ee Soomaaliya, si uu qeyb kaga noqdo, kulankii xog-warranka diblomaasiyadda ee Uhuru Kenyatta.
Safaaraddu, waxa ay warqad cabasho ah u qortay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay xadgudub ku tahay midnimadad iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, waxayna dalbatay in sharaxaad buuxda laga bixiyo.
Iyadoo taas ka jawaabeysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, ayaa soo saartay qoraal raalli-galin iyo cudur-daarasho ah, waxayna shegtay in si aan ku talagal ahayn uu calanka Somaliland uga dhex muuqday kulanka Diblomaasiyadeed ee Sannadlaha ah.
Warka ka soo baxay Kenya waxaa lagu sheegay in ay aqoonsan tahay hal dowlad oo Soomaaliyeed oo Federaal ah, sida ay hore billowgii sanadkaan u sheegtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo.
Dhacdadan ayaa kusoo beegantay iyadoo Soomaaliya iyo Kenya ay isku diyaarinayaan inay hagaajiyaan xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dalal kadib markii uu xumaa shantii sano ee la soo dhaafay sababo siyaasadeed owgood.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhawaan sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay xasilloonida diblumaasiyadda, halka Uhuru Kenyatta oo dhawaan Muqdisho yimid uu sheegay in Nairobi ku dadaali doonto wanaajinta xiriirka Soomaaliya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments