Kenya oo saartey go’aan niyad-jebiyay Somaliland

Somaliland ayaa dhawaan waji-gabax kala kulantay Baarlamaanka Ingiriiska, kadib markii doodii laga heeshay qadiyadeeda aqoonsi natiijo la'aan kusoo dhamaatay.

News Keydmedia Online
Kenya oo saartey go’aan niyad-jebiyay Somaliland

NAIROBI, Kenya - Go'aan sidii dhul-gariirka ku noqdey Muuse Biixi ayaa kasoo baxay Kenya, kadib markii ay sheegtay in Somaliland u aqoonsan tahay qeyb kamid ah dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa u cadeysay Somaliland inaysan u aqoonanayn "Wadanka Madax-banaan", ayna ula macaamilayaan sida Maamul Goboleed.

Kenya Somaliland uma aqoona inay dal tahay, waxaana ula dhaqantaa sida Gobol katirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya," ayay tiri Raychelle Omamo.

Waxay Raychelle intaasi ku dartay in illaa hadda jirin codsi uga yimid Maamulka Hargeysa, oo ku aadan aqoonsiga Somaliland, oo dalal badan oo UK ugu dambeysay ay diideen.

Baarlamaanka UK ayaa Jan 18 dood kooban ka yeeshay mooshin uu lacag ku qaatey inuu horkeeno Xildhibaan katirsan xisbiga haya talada ee Conservative, Gavin Williamson.

Kenya ayaa hadda ka shaqeynaysa dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya, oo MD hore Farmaajo xumeeyay, iyadoo hadalkan kasoo baxay u muuqdo mid ku xoojinayso cilaaqaadka labada dal.

Somaliland 30 sano ayay raadinaysaa ictiraaf ay qiimo kasta ku bixisay inay hesho, balse ay ka raadinayso meel qaldan, iyadoo ka meer-maraysa inay toos Koonfurta dalka u waydiisato.

Wasiirka Ingiriiska Arrimaha Africa u qaabilsan Vicky Ford ayaa dhawaan si cad u sheegtay in Somaliland aqoonsigeeda uu yaallo Muqdisho, oo looga baahan yahay inay kala hadasho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.