Kenya oo waji cusub u yeeshay Dacwadda Badda

ICJ ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga oo saddex maamlood socday waxaana la filayaa inu go'aanka ku dhawaaqistiisa uu qaato mudo billooyin ama sanado.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo waji cusub u yeeshay Dacwadda Badda

NAIROBI, Kenya - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa waji kale u yeeshay Muranka xuduud-badeeda ee ka dhaxaysa Soomaaliya kadib markii ay ka qeybgali waysay dhageysiga, sida aan shalay soo qornay. 

"Waa go'aan la gaaray kadib dood qotada dheer iyo wadatashiga ballaaran dowladda ka yeelatay sida ugu wanaagsan ee loo ilaalin karo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Kenya," ayay tiri Wasaaradda.

Kenya waxa sheegtay in Soomaaliya ay khiyaameysay, islamarkaana ay ICJ geysay Kiis badeed 35 sano kahor ka heshiiyeen qaabka loo caburiyo sohdinta lagu muransan yahay.

"Dowladda iyo shacabka Kenya waxay dareensan yihiin in ay Soomaaliya khiyaantay, oo ay dacwadda horkeenay Maxkamadda ICJ tahay mid ay oggolaatay in ka badan 35 sano kahor qaabka loo xadeynayo," ayay hadalkeeda raacisay.

Waxay xustay in Soomaaliya ay abuurtay cadaawad ka dhan ah Kenya, ayna dhiirrigelisay weerarrada ka dhanka ah shacabka Kenya iyo Ciidamada Kenya, ee ku sugan Soomaaliya, maadaama kiiska badda uu yahay mid xasaasi ah oo Soomaalida aad uga falcelisay.

Waxay kaloo Kenya sheegtay inay tabanayso cadaalad darro, maadaama qareenada ICJ ee gacanta ku haysa kiiska uu kamid yahay Cabdulqawi oo Maxkamadda gudoomiye ka ahaa saddex sano, islamarkaana horey Soomaaliya ku difaacey Maxkamado caalami ah.

COVID-19 iyo eex darteed ayay Kenya sheegtay inay uga hartay Dacwadda Badda oo dhageysigeeda dhawaan ICJ soo gaba-gabeysay, iyadoo Soomaaliya kaliya doodeeda jeedisay, waxaana la filayaa in ku dhawaaqista go'aanka ay qaadato bilooyin ama sanado.

Muranka wuxuu ku qotomaa dhul-badeed hodan ku ah kheyraadka badan, oo isagu jira Shidaal iyo Kalluun, oo gaaraya 62,000 oo mayl laba jibbaaran (160,580 kiiloomitir oo laba jibbaaran) oo ku yaalla Badweynta Hindiya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.