Kenya oo sugi la’ amniga basaska rayadku ku safraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa wali ka wada gudaha dalka Kenya beegsiga basaska ay ku safraan dadka shacab-ka ah ee isaga kala gooshaya deegaanada xudduuda la leh Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo sugi la’ amniga basaska rayadku ku safraan

MANDERA, Kenya - Dabley hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday bas rakaab ah Talaadadii, kaasoo ku socdaalayay meel ku dhow xadka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay hay'adda (ICC), qofna lama dilin maadaama kooxdu ay raadineysay qof aan heysan diinta islaamka oo aan xilligaas saarneyn Baska.

Isagoo ka war-bixinaya dhacdada, Kirishbooyga baska wuxuu yidhi: "Waxaan ku soo dhowayn meel la yiraahdo Darkut, markii lix nin oo si buuxda u hubeysan ay baska istaageen. Rasaas ayay hawada ku rideen waxayna ku amreen dhamaan rakaabkeenii ka soo ambabaxay Mandheera inay soo degaan. Waxay noo kala sooceen rag iyo dumar waxayna bilaabeen inay na weydiiyaan haddii ay magu jiraan dad aan Soomaali ahayn."

"Waxay dalbadeen in aan ku wareejiyo lacagtii aan rakaabka ka qaaday waana ku wareejiyay, damaanteed, 40,000Ksh ayay ahayd," ayuu yiri.

Dowladda Kenya ayaa hadda isku dayaysa in ay sugto amniga basaska dadka rayadka ah iyadoo isku qorsheyneysa in ay xoojiso Ciidanka ilaaliya Basaska ku safra Degmooyinka soo xiga Soomaaliya.

Sanadihii la soo dhaafay, Kooxda Al-Shabaab ayaa bar-tilmaameed sanayay basaska safarka ee gudaha dalka Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.