Kenya oo war kasoo saartay dagaalka Belad-Xaawo

Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah kasoo saartay dagaalkii ka dhacay magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay ugu eedeysay in ay dagaalkaasi soo abaabushay dowladda Kenya

Warar Keydmedia Online
Kenya oo war kasoo saartay dagaalka Belad-Xaawo

NAIROBI, Kenya - Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saakay ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, dagaalkaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ciidanka dowladda kusoo qaadeen Jabhad fallaago ah oo ay soo hubeysay dowladda Kenya. 

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika, waxayna qoraalkaasi ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Kenya waxay sheegtay in dagaalka uu u u dhaxeeyo ciidamada dowladda Soomaalia iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo ka mida dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Dhexe.

Halkan hoose ka akhriso warka ay soo saartay dowladda Kenya:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.