Kenya oo Xasuuq ka geysatay Jubbada Hoose

Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Jubada Hoose ayaa waxay Xasuuq u geysteen dad reer miyi ah iyo xoolahoodii

Warar Keydmedia Online
Kenya oo Xasuuq ka geysatay Jubbada Hoose

KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidamada Keenyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe waxay Xasuuq ulakac ah ugeysteen dad reer miyi ah oo ku sugnaa degaanka Hoosingow oo hoostaga Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada hoose.

Ciidamada ayaa cagta mariyay boqollaal neef oo geel ah iyo laba ruux oo xoolahaasi la joogtay, waxayna ku soo beegantay dhacdadani 15 Maarso oo loo fadhiyay dacwad muran badeed udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, taasoo ay Kenya ku dooneyso in ay sheegato qeyb kamida biyaha Soomaaliya.

Xasuuqa iyo dhageysiga dacwadda ayaa isku xilli kusoo beegmay, waxaana ciidamadu ay si bareer ah udileen dad reer miyi ah iyo xoolihii ay wateen, ma jiro wax wara oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo sidoo kale Dowladda Soomaaliya, iyadoo ay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay sidan oo kale dhowr mar dhibaato ugu geysteen dadka ku sugan gobollada Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.