Kenya oo xayirtay lacagta shaqsiyaad maal-geliya Al-Shabaab

Sagaalka qof ayaa kala ah Xaliima Cali, Waleed Zein, Sheekh Boru, Maxamed Cali, Nuseiba Haji, Cabdimajiid Xassan, Maxamed Cali Cabdi, Muktaar Cali iyo Mire Clmi.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo xayirtay lacagta shaqsiyaad maal-geliya Al-Shabaab

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya Fred Matiang ’i ayaa shaaciyay  9 qof oo uu sheegay inay mas'uul ka ahaayeen maalgelinta kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Matiang ’i wuxuu sheegay in shaqsiyaadkan la aqoonsaday inay fure u yihiin ka hortaga kooxda argagixisada oo dhowr weerar ka fulisay Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo ku dishay kumanaan qof kuna burburiyeen hanti.

"Waxaan farayaa in la xayiro lacagaha iyo hantida shakhsiyaadka iyo hay'adaha ay la shaqeeyaan," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasiirka xafiiskiisa.

Sagaalka qof ayaa kala ah Xaliima Cali, Waleed Zein, Sheekh Boru, Maxamed Cali, Nuseiba Haji, Cabdimajiid Xassan, Maxamed Cali Cabdi, Muktaar Cali iyo Mire Cilmi.

Magacyada waxaa lagu lifaaaqay aqoonsiyada iyo lambarrada Baasaboorkooda. 

Wasiirka ayaa xusay inay lama huraan tahay in la diido fekerka argagaxisada oo doonaya inay nafta bini'aadamka gooyaan, una hanjabaan dowladaha Geeska Africa, iyagoo u marinaya fariintooda shabakado ay leeyihiin, oo howlaha u fududeysa. 

Al-Shabaab, oo gacansaar la leh Al-Qaacida, ayaa ka dagaalanta Soomaaliya, oo xarun u ah, waxayna weeraro ka geysataa Kenya iyo dalal kale oo gobolka Geeska Africa katirsan.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.