Kenya oo xirayso xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay xiri doonto Xeryaha ugu waaweyn ee Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma markii labaad. 

Warar Keydmedia Online
Kenya oo xirayso xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma

Kenya ayaa hay’adda qaxoootiga adduunka ee UNHCR u qabatay mudo 14 maalmood ah in ay la timaado khariidad ku saabsan xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma, ayadoo ku hanjabtay in haddii ay jawaab ka waayaan UNHCR ay Qaxootiga Soomaaliya xoog kusoo musaa-furinayaan. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya Fred Matiang oo la hadlay Warbaahinta Kenya ayaa sheegay xukuumadiisa ay ka walaacsantahay weerarada amni darada ah ee dalkaas ka dhaca, kuwaasoo uu sheegay in laga abaabulo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo dhanka xaduuda soo xiga.

Nairobi waxay sheegtay in aysan bannaanayn wada-hadallo dheeri ah oo ay ka galayso in ay dib u dhigto ama ka laabato go’aanka, ayadoo 'ultimatum' siisay UNHCR.

Go'aankaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xili Soomaaliya iyo Kenya kala goosteen xiriirka diblumaasiyadeed islamarkaana ay socoto maxkamadaynta dacwadda Badda ee labada dal.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.