Kenya Amni daro, Uhuru Kenyatta iyo Laalush Gurasho

Muqdisho (KON) - Aqoonyahan Prof. Maxamed Ibraahim oo wax ka dhiga Jaamacadda Kenyata University ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay dhex dubaalaneyso Heerkii ay Soomaaliya ku jirtay 1988.
Warar Keydmedia Online
Kenya Amni daro, Uhuru Kenyatta iyo Laalush Gurasho

"Amaan daro, Laaluush iyo 22 Ciidan Sirdoon oo aan kala amar qaadan mid walbana meel laga soo amray" ayuu yiri Prof. Maxamed Ibraahim.

Siyaasigaan oo Xeel dheere ku ah Arrimaha Siyasadda Geeska Afrika ayaa sheegay in Uhuru Kenyatta uu maamuli la’yahay Wadanka Kenya oo markii dhab logu kuurgalo ay soo baxayso in aysan waxba gacanta ugu jirin oo usan waxba ka qaban karin Musuqa.

"Uhuru Kenyatta waxba kama qaban, kamana qaban karo Musuq-Maasuqa iyo Fawdada ay Maantay Kenya dhex dubalanayso"

Dhaqaalihii Wadanka ayaa aad hoos ugu dhacay waxaana la rumeysanyahay in Weerarkii dhiigga badan ku daatay ee Westgate in uu Kenya u ka baajiyay Malayiin Dollar oo ka soo galijirtay Boqolaalaha kun oo Dalxiisayaal reer Yurub ah oo Bil walba u soo raaxo tagijiray Wadanka Kenya.

Bishii hore ayay Koox hubeeysan oo al-Shabaab ah waxa ay xoog ku galeen Suuq heerkiisu sarreeyo ee laga dukaameeysto, waxa ay si aan kala sooc lahayn rasaas ugu fureen dadkii adeeganayay iyagoo sidoo kalena bam-gacmeed ku tuurayay dad tira badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan. Kadib is horfadhi socday afar maalmood, ayay raggii hubeeysnaa waxa ay dileen ugu yaraan 72 qof iyaga oo tiro aan la garanayn oo dad ahna u qabsaday la haysta ahaan illaa iyo intii ciidamada ammaanka Kenya ay xaaladda gacanta ku dhigeen.

Laakiin Weerarka kadib, ayaa wali su’aalo badan wax jawaab ah loo hayn: Maxaa ku dhacay la haystayaashii kale? Sidee bay ugu suuroowday weeraryahannadu in ay soo galaan xarunta suuqa oo ay u haysteen muddada intaa dherer le’eg? Yaa soo maleegay oo ka dambeeyay weerarka xaggee buuse jiraa qofkaa hadda?

Wararka iskhilaafsan oo ka soo baxaya Mas'uuliyiinta Kenya ayaa sababay Jahwareer iyo dhalleeceeyn ay ku mutaysteen Awoodda ay u leeyihiin xakamaynta xaalka.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi