Kenya oo qaxootiga Soomaalida ah ku qasbeyso dib u laabasho

NAIROBI(Keydmedia) Hey’adda qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR ayaa sheegtay in dowlada Kenya ay wado qorshayaal ay dib ugu celineyso Soomaalida qaxootiga ah ee soo magansaday dalkeeda.
Warar Keydmedia Online
Kenya oo qaxootiga Soomaalida ah ku qasbeyso dib u laabasho

UNHCR ayaa sheegtay in xadka ay ka xiratay dowladda Kenya qaxooti tiradooda ay gaareyso 8,300 kuwaa oo u badan Haween, caruur iyo dad waayeel ah oo ka cararay colaada macna daradda ah ee ka taagan Soomaaliya.

Marka la eego xeerka caalamiga ah ee qaxootiga waxaa arin sharci darra ah noqoneysaa in dib loo celiyo qaxooti magan galyo doon ah sabab la xiriirta badbaadinta naftooda.

Tan iyo dabayaaqadii 2006 kolkii ay ciidamada Itoobiya Soo gaareen Soomaaliya waxaa aad u badanayay dadka Soomaaliyeed ee isaga qaxaya Dalka si looga badbaado dhibaatada ka socota Dalka.

Www.keydmedia.net