Kenya Oo Sheegtay Ineysan Xili U Qaban Ka Bixitaanka Ciidamadeeda Somalia

Nairobi (Keydmedia) - Jen. Julius Karangi ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Nairobi inuusan jirin xili go'an oo ciidamada Kenya ay joogayaan Soomaaliya. Isagoo sheegay in ciidamadooda ay u direen Soomaaliya markii lagu soo qaaday dalkooda weerarro lagana geystay afduubyo.
Warar Keydmedia Online
Kenya Oo Sheegtay Ineysan Xili U Qaban Ka Bixitaanka Ciidamadeeda Somalia

"Danta Kenya ma ahan inay qabsato Soomaaliya, waxayse ciidamadeenna barbar socda ciidamada DKMG awoodda yar ee Soomaaliya oo ka talisa magaalada Muqdisho oo keliya iyadoo gacan ka helaysa ciidamada AMISOM ee tiradoodu tahay 9,000 ee askari," ayuu yiri Jen. Karangi.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Kenya ay heshiis iskaashi ciidan ah la gashay DKMG ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka Mareykanka iyo Britain, kuwaasoo aan lug ku lahayn howlgalka milateri ee ka socda Soomaaliya.

"Ololaha milateri ee ay Kenya ku qaaday Al-shabaab wuxuu dhammaanayaa markii la wiiqo awoodda kooxdan ay kaga soo tallaabayso xuduudda dalka Kenya," ayuu taliyaha ciidamada Kenya ku daray hadalkiisa.

Dowladda Kenya ayaa todobaadyo ka hor laba guuto oo ciidamadeeda ah oo ay taageerayaan taangiyo iyo diyaaradaha dagaalka kasoo gudbisay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso Al-shabaab.

Tan iyo markii ay Kenya howlgallada ciidan ka billowday gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa gudaha dalkeeda ka dhacayay qaraxyo iyo weerarro sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo askar.