Ganacsato: ‘Kenya Way Qarxeysa, Soomaalidu Hantidooda ha kala Baxdo’

Nairobi (KON) - Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo Shalay la kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu balanqaaday in QM ay kala shaqayn doonto Kenya la dagaalanka Argagixisadda Sugida Ammaanka Dalka Kenya.
Warar Keydmedia Online
Ganacsato: ‘Kenya Way Qarxeysa, Soomaalidu Hantidooda ha kala Baxdo’

Dowladda iyo Dadka Kenya ayaa intii Labo Sanno waxaa soo wajahday Xasilooni daro oo u Ammaankii faraha ka baxa, waxaana la doonayaa in la iska hor-keeno Dadka Muslimiinta iyo Kirishtaanka ah ee halkaas ku wada nool.

Ganacsatadii, Bangiyadii iyo Goobihii Dalxiiska waxaa soo wajahay Qalqal iyo Cabsi weyn, oo waxaa yaraaday Dulimaadyadii ay Dalxiisayaalku ku imaanjireen Xeebaha Mombasa, Malindi iyo Gobo kale oo Dawladda Kenya Dakhli farabadan ka soo galijiray.

Bangiyadii ayaa Lacagahii lagala baxayaa, Ganacsato an yarean ayaa mar hore Hantidoodii kala baxay oo u wecday Dalka Soomaaliya qaarna Angola iyo Koonfurta Afrika oo Maalin walba Soomaalida lagu Bireeyo.

Ganacsade Raage Xaji Xasan oo ka mid ah Ganacsatada kala soo baxday Hantidooda Dalka Kenya oo haatan ku sugan Magaaladda Moqdisho ayaa sheegay in Xaaladda Kenya ay sii xumaan doonto, Gancasate badana ay arkeen Qatarta kusoo wajahan.

"Waxaan rabaa in aan Baaq u jeediyo Ganacsatadda Soomaaliyeed ee wali Hantidoodu ka taalo dalka Kenya, waxaan leeyahay ha kala soo baxaan intaan la boobin, war ha ku Cayrtobininee is badbaadiya“ Ayuu yiri Raage Xaji Xasan.

Keydmedia Online - Nairobi