Kenyatta oo diiday go’aanki ka soo baxay ICJ

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qaadacay go'aankii shalay galinkii danbe ka soo baxay Maxkamada Cadaalada Adduunka ee ICJ, taasoo marin biyoodkii lagu muransanaa u xukuntay Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Kenyatta oo diiday go’aanki ka soo baxay ICJ

NAIROBI, Kenya - Uhuru Kenyatta ayaa ku tilmaamay arin aan la aqbali karin in guud ahaan buqcadii lagu muransanaa loo xukumo Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay go'aan aan laga fiirsan.

Kenyatta ayaa ku goodiyey in arintan ay dhalineyso khilaaf hor leh oo labada dal ah, kaasoo saameyn ku yeelan kara xiriirka u dhaxeeya labada dal ee dariska ah.

Madaxweynaha Kenya oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa tibaaxay in go'aankan uu saameyn doono guud ahaan horumarka dhaqaale iyo kan siyaasadeed Gobolka Geeska afrika, isagoo xusay in dacwadaasi lagu xalin karo oo keliyah wada hadal iyo is af-garad dhex mara labada dal.

Kenya ayaa horey u shaacisay in aysan aqbali doonin go'aan kasta oo ka soo baxa Maxkamada ICJ oo ku qotoma marin biyoodka la isku hayo, waxana ay arintaasi u sababeeyeen in Maxkamada aanay dhex dhexaad ka noqon dacwadii la hor geeyey.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayee aheyd markii Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibadda ee Kenya, Danjire Macharia Kamau uu shaki geliyay dhex-dhexaadnimada maxkmadda ICJ ee fadhigeedu yahay Hague.

Kamau ayaa xusay in Kenya tahay qaran madax -bannaan, mar dambena aan laguma xukumi doono maxkamad caalami ah, iyada oo aan oggolaansho cad laga haysan.

Dagaalka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho, wuxuu bilaabmay 2014-kii, markaas oo Soomaaliya ay dacwad ku saabsan lahaanshaha biyaha muranku ka taagan yahay u gudbisay ICJ.

Keydmedia Online, ayaa hore u baahisay {Halkaan ka aqriso} in Sarkaal sare oo katirsan dowladda Kenya uu sheegay in Uhuru uu qaadici doona go'aanka laga sugayo ICJ 12-ka bisha October 2021.

Soomaaliya ayaa dacwadan maanta go’aankeedu soo baxay u gudbisay ICJ, sanadkii 2014 -kii kadib markii uu fashilmay wada hadal lagu doonayay in lagu xaliyo muranka.

Dhul-badeedka Soomaaliyeed ee Kenya muranka galisay, shalayna kiiskiisa la soo gabagabeeyay ayuu cabbirkiisu dhanyahay, boqol kun oo kiilo-mitir, oo afar-jibbaaran [100 000 square kilometers], waxaana laga helay Gaas iyo Saliid [hydrocarbons].

Bishii April ee 2009, Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kala saxiixday Nairobi heshiis is-afgarad ah [MoU], waxaana xilligaasi dalka ka jirtay dowlad aan awood lahayn oo KMG ah oo Sheekh Shariif madax u yahay.

Kenya ayaa codsatay in ICJ ay dacwadda dib usoo celiso oo loo oggolaado labada dal inay ka wada-hadlaan khilaafka, laakiin maxkamadda ICJ ayaa February 2017 joojisay codsigii Kenya, iyadoo ku qanacday dooddii Soomaaliya ee ahayd in sharciga iyo maxkamadda caalamiga ee ICJ lagu kala baxo.

Dacwada ayaa xilliyo kala duwan xumaysay xiriirka labada dal, hayeeshee, markii ugu danbeysay ayaa la xalliyay bishii May kadib dhexdhexaadintii Qadar.

Guud ahaan bulshada Soomaalida ayaa si weyn ugu diirsatay, go’aanka Maxakamadda, Waxaana horraanba billowday dabbaal-degyo guusha laga gaaray Kenya oo duullaan ku ahayd badda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.