Kenyatta oo Afar Wasiir Magacaabay

Nairobi (KON) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Maantay ku dhawaaqay Afar Wasiir oo kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee Kenya.
Warar Keydmedia Online
Kenyatta oo Afar Wasiir Magacaabay

Xaflad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Kenya, ayuu Kenyatta ku dhawaaqay Afarta Wasiir oo ay ku jirto haweeney Soomaali ah oo horey uga shaqeysay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.


Halkaan ka Aqriso Magacaabista Wasiirka arrimaha dibadda: Amina Maxamed


Afarta xubnood ee ugu horreeyay wasiirada 18-kla ah ee golhaha xukuumadda cusub ee Kenya ayaa hortegi doona baarlamaanka Kenya si loo ansixiyo dhowaan.

Wasiirada Maantay la Magaacay:

Fred Matiang’i (Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyada)

Henry K. Rotich (Wasiirka Maaliyadda)

James Wainaina Macharia (Wasiirka Caafimaadka)

Amina Maxamed (Wasiirka arrimaha dibadda)

Waxaa haray 14 Wasiir.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi