Keydmedia oo xuseysa maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL)

Maanta Maanta Maanta Waa Maalin Weyne Maanta! Waa Maalinteenii Waa Maalintiini Waa Maalintii Dhalinyarada, Waa Maalintii SYL. Shabakada KEYDMEDIA oo aad uga barateen in ay u shaqeyso bulshada Soomaaliyed ayaa waxa ay kaqeyb qaadaneysaa xuska maalinta 15-ka May oo ah maalintii la’aasaasay ururka dhalinyarada Soomaaliyed ee SYL.

Warar Keydmedia Online
Keydmedia oo xuseysa maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL)

Maamulka Shabakada Keydmedia waxa uu ugu hanbalyeynayaa dhamaan Soomaalida meelkasta oo ay joogto 78-guuradii kasoo waregtay maalintii dhidibada loo taagay ururkii SYL oo ay aasaasen 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku fakaray qaabkii ay dalka uga saari lahaayeen mugdiga, jahliga, gaajada, iyo sidii ay uga dul qaadi lahaayeen Gumeystihii dalka xukumayay xilligaasi.

SYL waxaa dhidibada loo taagay 15-kii May sanadii 1943, waxa ayna wax badan kabeleen qaabkii xilligaasi Soomaalidu ku jirtay, waxa ayna hormuud u noqdeen in dalku uu kaxuroobo gumeestayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska, Soomaalida maanta joogtaahina ay noqoto kuwa leh calan u gaar ah oo aan dalna gumeysi ku heyn.

78 sano kadib waxa ay Keydmedia iyada oo laqeybsaneysa farxada Soomaalida ay u leedahay 15-ka May waxa ay  ku celcelineysaa in ay xusuus gaar ah mudanyihiin dhalinyaradii isu taagay qaabkii ay dalkooda iyo dadkooda uga dul qaadi lahaayeen gumestayaashii madaxa uga taagnaa.

Bogga Youtube ee SomaliArchive oo ay leedahay KEYDMEDIA, waxaad ka daawan kartaan taariiqda SYL oo Documentary ah iyo sidoo kale taariikha badan oo khuseeya dalka Soomaaliya si shacabku ay SYL iyo Soomaaliya inteeda kalaba ay wax badan uga fahmaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.