KGS iyo AMISOM oo iska kaashanaya la-dagaallanka Al-Shabaab

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa iska kaashanaya la-dagallanka kooxda Al-Shabaab

Warar Keydmedia Online
KGS iyo AMISOM oo iska kaashanaya la-dagaallanka Al-Shabaab

BARAAWE, Soomaaliya - Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa iska kaashanaya la-dagallanka kooxda Al-Shabaab, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada  maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Saciid Cali iyo Maamulka degmada iyo Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM ee Magaalada Baraawe, Colonel Jonathan.

Taliyeyaasha ciidamada DF iyo Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee magaalada Baraawe xarunta rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa wasiirka kaga warbixiyay xaaladda amni ee Magaalada Baraawe iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga iyo la dagaalanka  Al-Shabaab.

Magaalada Baraawe oo ah Caasimadda dowlad goboleedka KGS ayaa sababo amni aawadeed loo dagi waayay, waxaana maamulka KGS uu ku shaqeeyaa si kumeel gaar ah magaalada Baydhabo oo hadda ah xarun KMG.

Ciidamda Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyo maamulka KGS ayaa iska kaashanaya sidii looga hortagi lahaa qatarka ka imaan karta kooxda Al-Shabaab oo go'doon ku haysa maamulka KGS tan iyo intii la dhisay maamulkaasi, waxaana magaaladaasi lagu geeyaa raashiinka iyo waxyaabaha kale ee gala diyaarado iyo doomo, waxaana dhinacyada ka xiga kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.