Khadiija Diiriye oo raacdeysay shaqaalaha reer Puntland

Keydmedia Online ayaa fahansan in ku dawaad lixdan shaqaalo ah oo ka howl-gala Wasaaradda Gar-gaarka, ay badankood ka soo jeedaan Puntland.

Warar Keydmedia Online
Khadiija Diiriye oo raacdeysay shaqaalaha reer Puntland

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Khadija Maxamed Diiriye, ayaa lagu eedeeyay in ay Wasaaradda ka nadiifisay shaqaalaha ka soo jeeda degaannada Puntland, isla-markaana ay shaqaaleysiisay ku dhawaad labaatan dhallinyaro ah oo ka soo jeedda Hirshabeelle.

Shaqaalaha la raacdeeyay oo u dacwooday, Farmaajo, Rooble, Bayle, Gudiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka, Hanti dhawrka Guud, Xafiiska Xeer ilaalinta Qaaran, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka & Mdowga Musharixiinta, ayaa waraaqda cabashada ku qoray, in Khadiijo, sifo sharci darro ah u martay shaqo ka joojintooda.

 “Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maaraynta Maslibooyinka ayaa si sharci darro ah noogu xad-gudubtay annaga o ah 16 qof oo kamid ah shaqaalaha oo iskugu jira Madax qaybeedyo iyo hawlwadeenada wasaaarada”. Ayay yiraahdeen.

Waxa ay xuseen in Wasiirka Wasaaradda Khadija, ku tumatay xuquuqdooda, waxa ay caddeeyeen in ay ka soo wada jeedaan Bari iyo Nugaal, isla-markaasna booskooda loo qaatay shaqsiyaad ka soo jeeda degaan doorashadeeda.

“Wasiiradda ayaa si bareer ugu tagrifashay xaquuqda shaqaalenimo kuwaas kasoo wada jeeda degaannada Puntland, iyadoo mushaarkii iyo boosaskeenni, wasiiraddu ku bedelatay dad kasoo jeeda Deegaanada Hirshabelle oo ah deegaan doorashadeeda, kuwaas oo ayey ku qoratay ergadii ay codka ka heli lahayd”.

Keydmedia Online ayaa fahansan in ku dawaad lixdan shaqaalo ah oo ka howl-gala Wasaaradda Gar-gaarka, ay badankood ka soo jeedaan Puntland.

Mid ka mid ah agaasimayaasha Wasaaradda, ayaa KON, u sheegay in uusan jirin shaqaale rasmi ah oo shaqo laga raacdeeyay marka laga yimaado shaqaale been abuur ah oo mushaarka laga joojiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.