Khadiijo Max’ed Diiriye: Dowlada diinta kuma dhaqanto

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Xildhibaanad Khadiijo Max’ed Diiriye oo ka tirsan xildhibaanaa Baarlamaanka KMG ah ayaa sheegtay in dowlada KMG ah aanay ku dhaqmin shareecada islaamka xili baarlamaanka iyo xukuumada ay isku raaceen in sharciga islaamka lagu dhaqmo.
Warar Keydmedia Online
Khadiijo Max’ed Diiriye: Dowlada diinta kuma dhaqanto

“ Waxaa la sheegay in sharciga islaamka lagu dhaqmayo, walina dalka waxaa ka jira heeb sooc, aniga kula hadlaya waxaan ahay qof la yaso oo beel shanaad ayaa tahay la yiraahdo, sharciga ma sidaas baa” ayeey tiri khadiija oo saxaafada la hadashay.

Waxa ay intaasi ku sii dartay in looga baahanyahay dowlada iyo baarlamaankaba in ay dar dar galiyaan sharciga islaamka isla markaana ay joojiyaan ka been sheegida sharciga.

 WWW.KEYDMEDIA.NET