What do the Somali people expect from their new president?
Waxaa xerada ciidanka Gorayo-Cowl ee magaalada Boorame, isku rasaaseeyey ciidamo Milatari ah oo ku wada tirsan maamulka Somaliland.
BOORAME, Soomaaliya - Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dashay is-rasaaseyn maanta xerada Gorayo-Cowl ku dhex martay, ciidamo ka wada tirsan Maamulka Somaliland.
Waxaa is-rasaaseynta ciidanka dhex martay ku geeriyooday hal askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo kale, kuwaa oo iminka xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo xarumaha caafimaadka Boorame.
Lama ogga sababta rasmiga ee ka danbeysa is-rasaaseynta ciidamadan, waxaase Saraakiisha amaanka Boorame ay sheegeen in ay xabsiga u taxaabeen, dhamaan ciidamadii qeybta ka ahaa dhacdadaasi.
Ma ahan markii ugu horreysay ee ciidamo ka wada tirsan milatariga Somaliland is-rasaaseeyaan, waxaana inta badan sabab u ah, muran beeleed ka dhex aloosma taliyayaasha ciidamada uu maamulku leeyahay.
Somaliland oo sheegtay 1991-dii, in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, waxey 20-kii sano ee ugu danbeysay tababareysay ciidamo kala duwan, kuwaas oo tayo ahaan, lagu tilmaamo in ay ka hooseeyaan heerkii laga filayey, waxaana soo noq noqda isku dhacooda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments