Khasaare ka dhashay Roob ka da’ay Boosaaso

Khasaare hantiyeed ayaa ka dhashay Roob saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaaso bur-buriyey waddooyin muhiim u ahaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaaladaasi

Warar Keydmedia Online
Khasaare ka dhashay Roob ka da’ay Boosaaso

BOOSAASO, Soomaaliya - Sidoo kale, 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa inta badan magaalada Boosaaso ka jirtay koronto la'aan kadib markii ay soo dhaceen Baalayaashii korontada ee magaaladaasi, waxaana roobkan uu watay dabaylo xooggan.

Roobkan ayaa sidoo kale sababay in uu xirmo suuqii ugu weynaa ee magaalada Boosaaso, iyadoo aanu jirin wax ganacsi ah oo ka socda suuqaasi sida au inoo sheegee ganacsatada Boosaaso qaarkood.

Dowladda Federaalka ayaa horey uga digtay roobab dabaylo wata oo kusoo wajahan deegaannada Maamulka Puntland, mana jirin wax diyaar garow ah oo ay sameeyeen shacabka Puntland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.