Khayre oo la kulmay gudoomiyaha Aqalka Sare

Khayre ayaa xilka looga qaadey July 25 inuu loolan dhanka awoodda ah la galay Farmaajo, oo ay ku kala feker duwanaadeen doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhici doono.

Warar Keydmedia Online
Khayre oo la kulmay gudoomiyaha Aqalka Sare

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Muqdisho hoyga uu ka degan yahay ku qaabiley Shalay [Axad] gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

"Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed," ayuu Khayre ku yiri qoraalla Twitter-ka soo dhigay.

Xasan Cali Khayre ayaa xilkiisa ku waayay mooshinka Farmaajo ka geeyay Gollaha Shacabka oo 7 daqiiqadood loogu codeeyay July 25, kadib markii labada dhinac uu soo kala dhexgalay loolan dhanka awoodda ah, iyagoo ku kala feker duwanaaday doorashadda.

Maalin kahor, Ra'iisul Wasaarihii hore ayaa soo dhoweeyay in dalku doorsho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin. Waxuuna ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay. Sidii uu horayba u sheegay doorashada waxaa ku xiran amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.