Kheyre oo dalalka dibadda ah ka bilaabay olole doorasho

Kheyre ayaa markaan si toos ah u bilaabay ololihiisa doorashada.

Warar Keydmedia Online
Kheyre oo dalalka dibadda ah ka bilaabay olole doorasho

Ra'iisul wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta waxa uu u ambabay dalka Jabuuti, markii ugu horreysay tan iyo markii ay golaha shacabka codka kalsoonida ah kala laabteen.

Waxa uu Jabuuti kula soo kulmayaa madaxda dalkaasi oo uu ugu horreeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kheyre ma aanu sii shaacin safarkiisan uu ku aadday Jabuuti, hase ahaatee madaxda wadankaasi ayuu kala hadli doonaa arrimo la xiriira dhanka doorashada.

Xasan Kheyre ayaa shaaciyey inuu yahay musharrax u taagan qabashada xilka madaxweynaha, markii ay golaha shacabka xilka ka qaadeen.

Safaraddan uu hadda bilaabay ayaa ah kuwo uu ugu sii gogol xaarayo taageero uu ka helo qaar ka mid ah dalalka uu booqan doono.

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah, in Kheyre uu safar kusii aado qaar ka mid ah dalalka Africa iyo kuwa carabta si uu taageero uga soo raadiyo.

Soomaaliya ayaa hadda u jiheysatay waqtiga doorashada, iyadoo lagu heshiiyey habraaca doorasho ee 2020/21.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.