Kheyre oo gaarey Dhuusamareeb

Safarkiisa ayaa yimid kadib markii Madaxda Maamullada ay dhawaan ugu baaqeen madaxda Dowladda Soomaaliya inay kusoo biiraan wadahadalka Dhuusamareeb, ee magaaladda Dhuusamareeb oo go'aan looga gaarayo arrimaha doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Kheyre oo gaarey Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa maanta Dhuusamareeb gaarey wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo tan iyo shalay laga sugayay magaaladda inuu tago.

Kheyre ayaa a filayaa inuu ku biiro wajiga labaad ee Wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo Maamul Goboleedyada, kuwaasoo ujeedkoodu yahay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro nooca doorasho ee ka dhici karta Soomaaliya sanadkan 2020.

Maamullada ayaa sheegay in hadii aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah, ay ku baaqayaan in dib loogu laabto nidaamka awood-qeybsiga qabiilka ku salaysan ee 4.5, oo lagu soo dhisay dowladiihii dalka soo maray tan iyo 20002.

Farmaajo iyo Kheyre waxay dhawaan sheegeen in doorashadda waqtigeeda dhici doonto, oo aanay jiri doonin mudo korarsi, taasoo siyaasiyiinta mucaaradka ka shakiyeen, maadaama waqtiga haray oo 4 bilood ah aan lagu diyaarin karin doorasho, noocay doonta ka hanoqotee.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.