Kheyre oo istanbuul gaaray

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo la-taliyaashiisa ayaa maanta oo Axad ah gaaray Magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga. 

Warar Keydmedia Online
Kheyre oo istanbuul gaaray

Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in uu usii gudbo Caasimadda Dalka Turkiga ee Ankara. 

Kheyre soo maray dalalka Jabuuti iyo Kenya, wuxuuna safarkiisa qeyb ka yahay ololaha doorasho ee uu ka wado dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Xasan Kheyre ayaa shaaciyey inuu yahay musharrax u taagan qabashada xilka madaxweynaha, markii ay golaha shacabka xilka ka qaadeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.