Kheyre oo ku dhacay godkii uu ka qoday Villa Somalia

Ra'isul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqda mid ku dhacay godkii uu ka qoday Villa Somalia, waa fallanqeeyn kooban oo uu diyaariyay Tifaftiraha Keydmedia Online ee Muqdisho. 

Warar Keydmedia Online
Kheyre oo ku dhacay godkii uu ka qoday Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo ah musharrax u taagan xilka Madaxweyne ee doorshada 2020/21 ayaa ku dhacay godkii uu isaga horey uga dhex qoday Villa Somalia.

Kheyre oo u haystay in uu Farmaajo la dhammeysan doono ayaa godad badan u qoday siyaasiyiinta hammiga ka leh xilka madaxaweynaha, balse isaga ayeey kusoo noqdeen wax walbo.

Kheyre iyo Farmaajo ayaa horey ugu heshiiyey in guddiyada loo magacaabi doono doorashada noqdaan kuwo iyaga ay keensadaan, sidoo kalena kusoo xulaan nin jeclaysi iyo kooxeysi.

Hase ahaatee Farmaajo ayaan ballantii waxbo ka bedalin, markii uu Xasan Cali Kheyre baxayna isaga ayaa soo xushay xubno u badan shaqaalaha dowladda iyo NISA oo aanba aqoon doorasho iyo maamulkeeda.

Kheyre ayaa la amakaagsan waxa socda, waxayna ka gaartay heer uu sheego in aan doorashada laga qeybgali karin.

Siyaasadda oo aan lahayn saaxiib joogta ah, ayaa mararka qaar ku gaarsiisa heer aad kala garan weyso waxa aad sameenayso in ay berri caqabad kugu noqon karaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.