Kheyre oo Moscow kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka

Wasiirkii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa kulan kula yeeshay Caasimada dalka Ruushka ee Moscow Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov.

Warar Keydmedia Online
Kheyre oo Moscow kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka

Xasan Cali Kheyre ayaa booqasho qarsoodi ah ku tagay todobaadkaan dalka Ruushka, asigoo casumaad ka helay Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka, sida ay Keydmedia Online ogaatay. 

Kheyre ayaa warkaan xaqiijiyay kadib markii Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka ay ku shaacisay warkaan boggeeda Twitter. 

"Waxaan kulan qado sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka & iskaashiga labada dal (....) Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada dhaqan-dhaqaale & siyaasadeed ee gobolka" ayaa lagu soo qoray bogga Twitter ee Kheyre. 

Ruushka ayaa la aaminsanyahay in uu taageero dhaqaale iyo mid siyaasaddeed siinaya Ra'isul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Warbixin ku saabsan kulanka Kheyre iyo Sergey Lavrov, dhawaan kala soco bogga hore ee KON.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.