Khilaafka Baarlamaanka Puntland oo cirka isku shareeray

Khilaaf xooggan oo dhawaan ka dhex qarxay Madaxtooyada Puntland iyo Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas, ayaa sii xoogeysatay, waxaana fasax la galiyay Xildhibaannada.

Warar Keydmedia Online
Khilaafka Baarlamaanka Puntland oo cirka isku shareeray

GAROWE, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online hore u baahisay, Guddoonka Barlamaanka Puntland, ayaa wajahaya cadaadiskii ugu xoogganaa oo kaga imaanaya Madatooyada, kadib markii todobaadkii la soo dhaafay wax laga badalay xeer hoosaadka Golaha Wakiilada.

KON, waxa ay hore u faafisay in qodobada la isku khilaafay uu qeyb ka yahay mooshin uu Guddoonka Barlamaanka meelmaryay, kaas oo wax looga bedeley tirada xildhibaanada xilka ka qaadi kara Guddoonka Barlamaanka oo markii hore ahaa 34 cod lana gaarsiiyey heerka Madaxweynaha oo ah 44 cod.

Hayeeshee hadda waxaa soo baxaya xog dheeraad ah oo tilmaameysa in Baarlamaanku ansixiyeen wax ka badelka xeer hoosaadka, iyaga oo aan loo qeybin xeerka cusub, taas oo is qabqabsi hor leh ka dhex abuurtay Aqalka Wakiillada.

Buuq golaha hareeyay kadib, Axaddii ayaa golaha loo qeybiyay xeer hoosaadka, waxayna qaar ka mid ah xildhibaannadu xuseen in ay xeerka cusub ku jiraan qodobbo uu guddoonku ku dhex qariyay, sida in Xildhibaanka waqtigu ka dhamaado uu inta noloshiisa ka dhiman heli doono $2000 oo dollar oo mushaar ah iyo in Guddoonka inta ay noolyihiin ku xaquuq ahaanayaan Madaxweynayaashii hore.

Sidoo kale xeer hoosaadka cusub waxaaa ku qoran in Guddoomiyaha Barlamaanka, uu diidi karo Mooshin kasta oo loo soo gudbiyo, isagoo aan kala tashan xubnaha kale ee Baarlamaanka.

Waxaana la filayaa in Maxakamadda sare ay soo faragaliso khilaafka, inkastoo la soo warinayo in xildhibaanada qaar abaabulayaan mooshin xilka looga qaadayo guddoomiyaha Maxkamadda sare Nuur Ciise Maxamed, oo la rumeysan yahay inuu la safan yahay Madaxtooyada

Xaafiiska Deni ayaa u muuqda inuu cadaadiska sii kordhiyay, Guddoomiyaha Barlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaana wada kulamo muranka lagu xallinayo, hayeeshee qaar ka mid ah xuldhinaannada ayaa dhankiisa ku wargaliyay in uusan wax gorgortan ka gali karin xeerka cusub ee la meel mariyay.

Madaxtooyada Puntland, ayaa hore xilkii uga burisay, Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) Golaha Fulinta maamulkaas ayaana caan ku ah in ay raacdeeyaan xildhibaankii ka aragti duwan.

Barlamaanka Puntland ayaa hadda la fasaxay muddo saddex cisho ah oo ka billaabaneysa maanta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.