Kiisas kale oo Covid-19 oo laga helay Soomaliya

Kiisas hor leh ayaa laga soo sheegayaa Soomaaliya, iyadoo uu soo laba-kacleeyay Caabuqa Covid-19 mar kale iyo dalka Soomaaliya ayaa kiisas cusub la diiwaan geliyay maanta

Warar Keydmedia Online
Kiisas kale oo Covid-19 oo laga helay Soomaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas hor leh oo Caabuqa Covid-19. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in 24 -kii  saac  ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan 1,075 qof, iyadoo laga helay 129 qof.

Maamulka Somaliland ayaa laga helay kiisaskii ugu badnaa dadka uu haleelay Caabuqa kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso 73 qof, Deegaanada hoos yimaada Jubbaland waxaa laga helay guud ahaan 18 qof oo kamida dadkii laga baaray Caabuqa, Gobolka Benaadir ayaa isna laga xaqiijiyay 10 ruux oo kamida dadkaasi in ay qabaan Caabuqa Covid-19, Deegaanada Puntland hoos yimaada ayaa iyagana laga helay 10 ruux xanuunku uu haleelay, Hirshabelle waxaa lagu soo warramayaa in 18 ruux laga helay.

Dhimashada 24 -kii saac ee u dambeeyay dadka uu dilay Caabuqa Covid-19 waxaa lagu sheegay 12 ruux kuwaasoo isugu jira deegaanada oo dhan (Somliland: 4, Hirshabelle:5, Banadir:2, Jubbaland:1)

Tirada guud ee laga helay xanuunkan tan iyo intii uu soo billowday sanadkii hore waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan 10,214 qof inkastoo ay bogsadeen tiro lagu qiyaasay 4,532 waxaana u dhintay 441 qof oo kamida dadkaasi uu haleelay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.