Kenya is Somalia’s true friend, says diplomat
Monkeypox (Furuqa daanyeeradda) waa cudur uu keeno il ma'araga virus ka, oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacsan family-ga Poxviridae, wuxuu ku dhaca xayawaaanka una sii gudbaa Bani’aadamka.
MUQDISHO, Soomaaliya – Dad looga shakisan yahay in ay qabaan busbuska Daanyeerrada (Monkeypox), ayaa lagu karaantiilay magaalooyinka Mugdisho iyo Hargeysa, sida ay warinayaan dhaqaatiir caafimaad iyo howl-wadeenno ka tirsan hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Ugu yaraan labo kiis oo calaamadahoodu aad u shabahaan Furuqa Daanyeerrada, ayaa la dhigay Isbitaal De Martino ee magaalada Muqdisho, halka ruux kale la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa, hayeeshee Dowladdu wali si rasmi ah uguma dhawaaqin in kiisaku yihiin Monkeypox.
Dr. Maxamed, oo ka howl-gala Martiini, ayaa Keydmedia Online u sheegay in shaqsiyaadka ku karaantiilan Isbitaalka uu mid daran yahay, isla-marakaana ay jirkiisa ka soo baxeen nabarro aad u badan oo u eg Busbus kase daran, wuxuuna xaqiijiyay in shaybaarka laga war sugayo, si go’aan loo gaaro.
Feyraska Monkeybox waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS, waxaana astaamihiisa ka mid ah, qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, Af-qarqar iyo daal aad u badan.
Finin ayaa bukaanka ka soo bixi kara, intoodan badan waxay ka bilowdaan wajiga, ka dibna waxay ku faafaan qaybaha kale ee jirka, qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho iyo neefsiga.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments