Kiisaska Coronavirus ee Puntland oo kordhay

116 oo oo labadii maalin ee la soo dhaafay baaritaan lagu sameeyay ayaa 4 ka mid ah laga helay, waxaana arintaan walaac ka muujiyay maamulka. 

Warar Keydmedia Online
Kiisaska Coronavirus ee Puntland oo kordhay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maalmihii la soo dhaafay kordhay kiisaska dadka laga helay COVID-19 ee ku sugan deegaanada Puntland sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka maamulkaas.

116 ruux oo labadii maalin ee la soo dhaafay la baaray ayaa 4 qof oo ka mid ah kaga heylay cudurkaan, kuwaas oo da'dooda u dhaxeyso 3 sano jir ilaa 51 jir, waxeyna ku kala suganyihiin Garoowe iyo Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaa arintaan walaac ka muujiyay, waxaana tirada guud ee deegaanada Puntland laga xaqiijiyay gaartay 403, halka dhimashada mareyso 9, waxaana ka bogsaday 207 qof.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.