Kiiska dilkii Guddoomiyaha Hodon oo dib loo furay

Maxkamadda waxaa la horkeenay marqaatiyaal dhowr ah oo ay kamid yihiin Saraakiil Ciidan.

Warar Keydmedia Online
Kiiska dilkii Guddoomiyaha Hodon oo dib loo furay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa Maanta u fariisatay dhageysiga Kiiska dilka gudoomiyihii degmada Hodon C/xakiin Dhegajuun oo lagu khaarijiyay Muqdisho bishii January ee sanadkan.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Hodon Bashiir Cabdi Siyaad ayaa ka sheegay Maxkamadda in taliyaha saldhiga Howlwadaag Shuceyb Cabdi Maxamuud uu goobta  ku sugnaa habeenkii falka uu dhacay, islamarkaana raggii rasaasta ku furay gudoomiyaha qaarkood ay baxsadeen.

Waxuu xusay in markii uu goobta tagay ay ilaalada taliye Shuceyb ku qabteen qori, kadibna meesha isaga baxsadeen, taasoo muujinaysa inuu dilka ahaa shirqool la degay oo lagu khaarijiyay AUN Cabdixakiin Dhegajuun.

Taliyaha Howlwadaag Shuceyb wuxuu Habeenka dilka uu dhacayay u sheegay Bashiir inuu jiro howlgal gaar ah oo lagu qabanayo gaadiidka daroogo saaran, oo kasoo gudbaya barta koontarool ee ku taalla degmadiisa.

Gudoomiyaha Hodon ayaa la dilay saacadi kadib markii uu kasoo laabtay dalka Turkiga oo looga soo daaweeyay dhaawac kasoo gaarey qarax miino oo lagu eegtay sanadkii hore wadada 21-ka October ee Muqdisho.

Kiiska dilka gudoomiyaha ayaa mudo la isku dayaya in la daboolo, iyadoo Odayaasha Beeshiisa ay sheegeen in dadkii ka dambeeyay falka ay Muqdisho iyagoo xor ah socdaan, waxayna ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo cadaalad darro. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].