Ciidmada Jubaland oo lagu weeraray duleedka Kismaayo

Alshabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ku qaada ciidamada dowladda ee howlgalada ka sameeya deegaanada ay ku suganyihiin.

Warar Keydmedia Online
Ciidmada Jubaland oo lagu weeraray duleedka Kismaayo

KISMAAYO - Wararka laga helayo deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 35-KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay saaka halkaas howlgal ka wadaan.

Ciidamada oo wato gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in qaraxyo iyo weeraro toos ah ay kala kulmeen dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab oo aan ka fogeyn goobta ay howlgalka kawadaan

Ilaa iyo hada majrto faah-faahin rasmi ah oo laga hayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, balse Alshabaab ayaa sheegatay in weerarkaas ay jab xooggan ku gaarsiiyeen ciidamada Jubbaland, wallow aan dhinaca  Jubbaland aan war laga helin.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.