Koofur Africa: Ganacsade la baadi goobayay oo meydkiisa la helay

Cabdullaahi Bootaan Saruurow, oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa, ayaa meydkiisa la helay kadib markii la radinayay muddo saddex cisho ka.

Warar Keydmedia Online
Koofur Africa: Ganacsade la baadi goobayay oo meydkiisa la helay

SOUTH AFRICA - Maydka Cabdullaahi Bootaan Saruurow, oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhaqnaa dalka Koofur Africa, ayaa meydkiisa la helay kadib markii raq iyo ruux la baadi goobayay in muddo ah.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya South Africa, Ciidanka Booliska dalkas ayaa xalay helay Meydka Cabdullaahi Bootaan oo kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee wada gaadiidka lagu wareejiyo alaabaha Delivery-ga ah.

Boolisku wuxuu sheegay in mid ka mid ah loo wadayasha gawaarida xamuulka uu soo sheegay in meydka marxuumka, waxaana la xaqiijiyay in ay jirkiisa ka muuqdeen rasaas lagu dhuftay qeynaha kore ee jirkiisa.

“Gacan ka xaqdaran ayaa nafta u qoonsatay sida muuqatana dhac ayaa loo gaysanayey” ayuu yiri ganacsade ka mid ah ehelka qaraada oo la hadlay warbaahinta.

Soomaalida ku ganacsata waddankaasi Koonfur Afrika ayaa inta badan waxay la kulmaan dil iyo dhac, iyadoo dowladda Koomfur Afrika aysan waxba ka qaban arrintaan oo soo noq-noqtay, muddo sanado ahna ka socotay guud ahaan waddankaasi Koonfur Afrika.

Guddiga Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa dhawaan xaqiijiyay in ugu yaraan 25 muwaadin oo Soomaali ah lagu dilay dalkaas tan iyo bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.