Koox burcad ah oo lagu qabtay Yaaqshiid

Ciidanka Booliska degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa soo qabqabtay burcad dhac u geysan jirtay shacabka ku dhaqan degmadaas iyo degmooyinka ku xeeran.

Warar Keydmedia Online
Koox burcad ah oo lagu qabtay Yaaqshiid

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada amaanka degmada Yaaqshiid ayaa xalay ka hor tagay koox burcad ah oo doonayay in ay falal amni daro ka geystaan xaafadaha degmada, israsaaseyn kooban kadib burcadda ayaa gacanta lagu dhigay.

Kooxda burcadda ah ee la soo qabtay ayaa ku hubeysnaa bastoolado, waxa ayna dhowr jeer oo hore dhac ka geysteen xaafadda Horseed ee degmada Yaaqshiid.

Ragga la qabtay qeyb ka mid ah ayaa dhaawac ah, halka ciidamada amaanka degmada Yaaqshiid aysan caddeyn qasaaraha dhankooda ka soo gaaray is rasaaseynta.

Tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore waxaa magaalada Muqdisho joogta ka noqday falalka amni darro oo ay geysanaan burcad ku hubeysan bostoolado, middiyaal iyo seefo.

Kooxahaan dhaca u geysta shacabka ayaa wata mootada laba lugooleyda ah, waxa ayna ka baxsadaan goobta iska marka ay wax dhacaan.

Degmooyinka Hurwaa, Yaaqshiid, Kaaraan iyo Holwadaag ayaa ah degmooyinka ugu badan ee Kooxahaan abaabulan ka geystaan falalka amni darro.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.