Kooxda Al-Shabaab oo sii kordhisay go’doomintii Diinsoor

Kooxda Al-Shabaab, ayaa halkeedii ka sii wadda cadaadiska dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Diinsoor ee magaalo madaxda goboolka Bay.

Warar Keydmedia Online
Kooxda Al-Shabaab oo  sii kordhisay go’doomintii Diinsoor

DIINSOOR, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay cunaqabateynta iyo go’doominta ay ku hayaan degamada Diinsoor ee gobolka Bay, waxayna billaabeen in ay af-duubtaan dalka degaanka ee isku daya in ay raashin galiyaan magaalada.

Shalay ayay ahayed markii degaan qiyaasti Siddeed KM u jira Magaalada Diinsoor, ay Al-Shabaab ka af-duubteen dad xoolo dhaqato ah, isla markaana maanta lagu arkay tuulada yaaq-barawaay oo degmada Diinsoor u jirta 60 Kiiloo-mitir.

Dhanka kale,  Kooxda Al-Shabaab ayaa gor dhow qafaashay saddex kareeto oo degmada Diinsoor badeeco u waday, kuwaas oo marayay inta u dhaxeysa tuulada Misir iyo Diinsoor.

Sida ay xaqiijinayaa dadka degaanka wadayaashii gaadiidka maanta la qafaashay ayaa ka fakaday Al-Shabaab, waxayna lugu ku tageen Diinsoor, qaar ka mid ah wadayaashii Kreetooyinka oo magacooda lala wadaagay Keydmedia Online ayaa lagu sheegay, Ibraahim Boorrow  iyo Cali Gees.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.