Farmaajo oo si hoose u beecinaya Shidaalka Soomaaliya

Sanadkaan, 66% dawladaha Afrika ayaa ka qeyb-galaya isku imaatinka, halka 45 Wasiir iyo hoggaamiyaal kale oo dowladaha ka socda ay xaadiri doonaan Madinat Jumeirah oo ku taal Dubai.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo si hoose u beecinaya Shidaalka Soomaaliya

DUBAI – Sida ay Keydmedia Online daabacday 28 October 2021, Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galeysa shirka todobaadka Shidaalka Africa, kaas oo berri oo ku beegan Sideedda ilaa 11-ka bishan November, ka dhici doona, dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. [Halkaan ka aqriso qoraalka KON].

Madashaan oo kulmi doonta waddamo dhowr ah oo dhaca qaradda, shirkado caalami ah, dad maalgashadeyaal ah, iyo shirkadaha saliidda dhoofiya, ayuu waddan kasta xaq u leeyahay inuu soo bandhigo saliidda iyo gaaska uu heysto ee iibka u ah.

Soomaaliya, waxaa kaga qeyb galaya wafti uu hoggaaminayo, Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta, Cabdirashiid Maxamed Axmed, isla-markaana ay xubno ka yihiin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Maamulaha guud Hay’adda Shidaalka Soomaaliya.

Kooxda Farmaajo, waxaa hore si xooggan loogu dhaleeceyay in ay jebkooda ku shubteen malaayiin doollar oo laga soo qaaday shirkado loo saxiixay ruqsadaha baarista Shidaalka badda Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka & Macdanta, si daahfuran uma aysan caddeyn, qorshaha socodkooda iyo xogaha la xiriira kheyraadka ay la wadaagi doonaan shirkadaha caalamiga ah iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya madasha.

Tallaabadaan oo aan si buuxda loo caddeyn, waxaa loo fasiran karaa [boob hanti qaran], iyadoo laga duulayo marxaladda doorasho iyo kala-guurka lagu jiro, sidoo kale daah-furnaan la’aantu waxa ay dhaawaci kartaa dadaalkii iyo heshiiska geeddi socodka dayn cafiska ee Soomaaliya lagashay Hay’adda Lacagta Adduunka, (IMF).

Bogga wararka ee Keydmedia.net, kala soco xogaha AFRICA OIL WEEK, oo KON ay indhaha ku heyso.

KEEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.