Ciidamada Farmaajo oo la wareegay Wasaaradda Warfaafinta

Ciidan wata dabbaabaad dagaal, oo dhawaan laga soo saaray Madaxtooyada ayaa galay gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada Farmaajo oo la wareegay Wasaaradda Warfaafinta

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan xogo aan helnay ciidamo fara badan oo ka amar qaata Farmaajo, ayaa hadda isku gadaamay guriga Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, iyo xarumaha Telfeshinka Qaranka iyo Radio Muqdisho.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda ayaa KON u sheegay in la weydiinayo aqoonsigooda, lamina oga u jeedka rasmiga ah ee ka danbeeya tallaabadan.

Kooxda Farmaajo, ayaa si weyn kaga careysan, wararka Xukuumadda oo ay tabineyso Warbaahinta Dowladda, waxaana ilo loo qaateen ah sheegayaan, in dabbaabaad ciidan iyo askar xooggan la geeyay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, (SONNA).

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe, ayaa si weyn ugu dhow Farmaajo, wuxuuna dhowr jeer jeediyay hadallo gafaf ah, dhawaan ayayna ahayd markii uu RW Rooble, ka hor istaagay qeyb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka, oo uu ka iibiyay Haweeneyda leh Huteel Xaawa Taako.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaan sal-fadhin, waxaana dhawaan labada xaaafiis ee ugu sarreeya waddanka ka soo kala baxay waraaqo iska soo horjeeda, Farmaajo, ayaana waddo kasta u maraya si uu u badbaadiyo Fahad Yaasiin oo Ra’iisul Wasaare Rooble, ka raacdeeyay xilkii Agaasimaha NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.