Kooxda Farmaajo oo xaqiijisay in Fahad lagu xayiray Jabuuti

Kooxda Farmaajo oo xaqiijisay in Fahad Yaasiin lagu xayiray JabuutiUgu danbeyn, Fahad Yaasiin, ayaa maanta dhadhaminaya dhabaatada ay leedahay in masaafurka lagu kadeedo garoomada, Kooxda Farmaajo, ayaana xajiisay inuu ku xiran yahay garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Warar Keydmedia Online
Kooxda Farmaajo oo xaqiijisay in Fahad lagu xayiray Jabuuti

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Farmaajo, ayaa xaqiijiyay in dalka Jabuuti lagu xiray eedeysane Fahad Yaasiin, oo dhawaan laga racdeeyay shaqadii, Agaasimahii hay’adda NISA, kadib markii ay dul-hogteen eedeha la xariira dilalka muwaadiin Soomaaliyeed, oo ay ku jirto Ikraan Tahliil Faarax, oo ku maqan gacantiisa tan iyo 26-kii juun.

Af-hayeenka , Farmaajo Cabdirashiid Maxamed Xaashi, oo war-saxaafadeed soo saaray, ayaa xaqiijiyay xarigga Fahad Yaasiin, wuxuna warbaahinta Madax-bannaan u sheegay in laga qaatay Baasaboorkii uu ku socdaalayay.

Dhanka kale, war uu soo saaray Ilyaas Mousa Cawaleh, oo ah Xoghayaha guud ee Xisbiga talada haya ee Jabuuti ahna Wasiirka Maaliyadda ayaa wax aan sal laheyn ku tilmaamay eedeynta Villa Somalia ee ah in dowladda Jabuuti ay xirtay Fahad Yaasiin. Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Jabuuti ay war rasmi ah goordhow soo saari doonto.

Ilo xog-ogaal ah, ayaa Keydmedia Online, u sheegay in saraakiil Amni, oo uu ugu horreeyo Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, ay amreen in Fahad Yaasiin aysan shirkadaha diyaaradaha keeni karin Muqdisho.

Saraakiisha amnigu, waxaa ay xaqiijiyeen in Fahad uu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, si uu faraxa uga baxo amniga Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maamed Xuseen Rooble, ayaa Fahad Yaasiin ka raacdeeyay xilka Agaasimaha NISA, kadib markii uu ka dhago adeegay amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha, oo ahaa inuu keeno warbixin dhameystiran oo la xariirta kiiska Ikraan Tahliil.

Farmaajo, oo rumeysan in la’aanta Fahad uusan ku sii jiri karin saaxada siyaasadda, ayaa wada dadaalladii iyo isku dayadii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in Fahad iyo kooxdiisa looga badbaadiyo gacmaha sharciga, islka-markaana hor tagaan cadaaladda.

Kooxda Fahad iyo Farmaajo hoggaamiyaan, ayaa rumeysan in kaliya waddada ay ku badbaadi karaan ay tahay in Caasimaddu ay marti-galiso dagaallo khataar oo muddo socdo, kana saameyn bata kiiska Ikraan, si loo laabo baaritaanka uu wado xaafiiska xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka sida.

KEYDMEDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.