Kooxda Al shabab oo isaga baxay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Muqdisho (Keydmedia) - Maleeshiyaadka Kooxda Al shabab ayaa isaga baxay Saacadihii ugu danbeeyay ee Maanta Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho kadib markii Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMSIOM oo wata Dabaabadaha Dagaalka ay u ruqaansadeen Deegaankaasi iyo Deegaanno kale oo ku yaalla Gobolka Sh/Hoose.
Warar Keydmedia Online
Kooxda Al shabab oo isaga baxay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Gawaari badan oo kuwa dagaalka ah islamarkaan aya la socdaan Malesshiyaad k atirsan Al shabab ayaa lagu soo waramayaa inay u jahaysteen dhinaca Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay isagu geynayaan Awoodooda Ciidan.

Al shabab ayaa si weyn waxa ay ugu jabeen dagaalkii Shalay ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgoyye,iyadoo taasi ay soo dedejisay inay Maanta isaga baxaan Deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Shabeelaha Hoose.

Deegaanadda ay la wareegeen Ciidamada dowladda KMG iyo AMISIOM ayaa waxaa kamid ah Kaxda, Ceelasha Biyaha, Siinta Dheer Carbiska iyo Saabyo(Beerta Cali Mahdi) oo 10 Km u jira Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeleeha Hoose.

Shacabka ku nool Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in Kooxda Al shabab ay ku amreen inay ka qeybgalaan Dagaalka ka dhanka ah Ciidamada dowladda KMG iyo AMISOM.

Dhinaca kale waxaa hawada ka maqan Maanta Idaacadda Al-Andulus oo ku hadli jirtay Afka Kooxda Al shabab ,taasi oo ku taallay Deegaanka Ceeslaha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wixii war ah ee kusoo kordha Wararka dagaaaladda kala soco www.Keydmedia.net