Kooxda raaskanbooni oo dowlada ku biireysa.

Nairobi (Keydmedia) - Kooxda raaskanbooni ee uu hogaamiyo Axmed madoobe oo horay gacan Saar ula lahaa kooxda Shabaab ayaa lafilayaa in gabi ahaanba ay ku biiraan Dkg Soomaaliya sida ay xaqiijinayaan ila ku dhaw Axmed Madoobe.
Warar Keydmedia Online
Kooxda raaskanbooni oo dowlada ku biireysa.

Raaskanbooyiniinta ayaa xilligaan waxa ay kabar bar dagalamaan ciidamada dowlada iyaga oo xoogoodu uu ku suganyahay magaalada Dhoobleey ee ku dhaw xuduuda dalka Soomaaliya uu laleyahay Kenya.


Waxaa goor dhaw lafilayaa in hogaamiyaha kooxda uu shir saxaafada ugu qabto magaalada Nairobi si uu u cadeeyo in ay ku biirayaan dowalda oo maanta wixii ka bilaawda aysan sheegan doonin magacooda Raaskanbooni.

Dowlada Kg Soomaaliya intii ay jirtay waxa ay heshiis lagashay kooxda Ahlusnna oo wali magacedii ku dhegan iyo maxkamadihii Islaamka oo magacoodii uu bur buray hasa yeeshee mar kale hada is abaabulaya.

www.keydmedia.net