Kooxda Shabaab oo Gabi Ahaanba Faarujisay Degmada Walaweyn

Walaweyn (KON)- War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray degmada Walaweyn ee gobbolka Shabeellaha Hoose ayaa soo sheegay in Maleeshiyaadkii kooxda Shabaab ee ka arriminayay degmada Walaweyn ay goordhow halkaasi faarujiyeen.
Warar Keydmedia Online
Kooxda Shabaab oo Gabi Ahaanba Faarujisay Degmada Walaweyn

Faarujinta kooxda Shabaab ee degmada Walaweyn ayaa timid kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM u ruqaansadeen degmada Walaweyn.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa hadda soo galaya magaalada.

Lama oga sida xaalku uu noqon doono iyo in Maleeshiyaadka Shabaab ay weerar soo qaadi doonaan.

Xaalada Walaweyn kala soco [url=http://www.keydmedi.net]http://www.keydmedi.net[/url]