Al-Shabaab oo Weerareyn Ciidamada Kenya

Kismaayo (Keydmedia Online) - Kooxda Shabaab ayaa sheegatay in dagaalka ka dhacay qeybo ka tirsan gobbolka Jubbada Hoose ay ku gubeen gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Ciidamada Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.
Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo Weerareyn Ciidamada Kenya

Dagaalka ay Kooxda Shabaab gaadiidka dagaalka uga gubeen Ciidamada Kenya waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysay degmada Badhaadhe iyo Kulbiyow ee gobbolka Jubbad ahoose.

C/casiis Abuu Muscab horjoogaha Kooxda Shabaab ug magacaaban dhanka ka hadalka howlgalada ayaa sheegay in weerar gaadma ah oo ay Maleeshiyaadkooda ku qaadeen Ciidamada Kenya ay ku gubeen ilaa labo baabuurta waaweyn ee dagaalka ah.

Ciidamada Kenya wali kama aysan hadlin warkaan, waxaana Shabaabku ay inta badan sheegtaan weerarada noocaan oo kale ah.

Keymedia Online - Xafiiska, Kismaayo