Kooxda Shabaab” Qofkii Aan Ka Maqalnno Xisbul Islaam Iyo Shabaab Ayaa Kala Go’ay, Gacanta Mujaahidii

Muqdisho (KON)- Kooxda Shabaab ayaa si kulu u beenisay in Ururkii Xisbul Islaam ay ka baxeen Kooxda Shabaab siyaasad ahaan iyo mab da'a ahaan.
Warar Keydmedia Online
Kooxda Shabaab” Qofkii Aan Ka Maqalnno Xisbul Islaam Iyo Shabaab Ayaa Kala Go’ay, Gacanta Mujaahidii

Afhayeenka dhanka howlgallada kooxda Shabaab C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Idaacada Andalus ee Shabaab ayaa ayaa sheegay in wararka sheegaya in Shabab iyo Xisbul Islaam ay labo dhinac dhinac u kala jabeen ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Abu Muscab waxaa uu sheegay in Maleeshiyaadkoodu ay beegsan doonaan islamarkaasna ay dili doonaan cidii ay ka maqlaan in Shabaab iyo Xisbul Islaam ay kala jabeen.

Sikastaba, maalmo ka hor ayay ahayd markii Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Maxamed Macallin uu shaaciyay inay ka goosteen kooxda Shabaab oo ay hadda yihiin Urur ogal wadahadal lala gala Dowladda Soomaaliya.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho