Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Kampala Agreement Soomaalidu waxey u taqaanaa Shirqoolkii Kampala ee Soomaaliya loogu xayuubiyay Madax banaanideeda Qarameed hase ahaate Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka Marwo Hillary Clinton ayaa Maalmahaan ku sugan Nairobi halkaaso loogu yeeray Madaxdii wax ka saxiixday Heshiiskii Mugdiga ahaa ee Kampala.
Hillary Clinton Socdaalkeedaan ey ku joogto Kenya wuxuu horudhac u yahay Safar dheer oo ey ku mari doonto Wadamadda Africa sida Afrikada bari iyo Afrikada dhexe si ey u hiirgaliso Wajiga koobaad ee Siyaasadda Cusub ee Obama uu ka leeyahay Dalalka Afrika.
Waxaa la saadaalinayaa in Clinton ey Kooxdaan Soomaalida ah ku bogaadin doonto Shaqada Wanaagsan ee ey Soomaaliya ka fuliyeen .
Waxaa kaloo la saadaalinayaa in ey usoo jeediso canaan ku wajahan Malaayiintii Doollar oo ey Madaxda Soomaaliya lunsadeen ana cadeen doonto wixii hada ka dambeeya iney ka fariistaan Howlaha Siyaasadeed oo ey Cagaha ugu dhufato.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments