Kooxo burcad ah oo dhibaato ku haya shacabka Muqdisho

Amniga guud ee Gobolka Benaadir ayaa sii xumaanayay maalmihii lasoo dhaafay iyadoo ay cirka isku shareereen dhibaatada loo geysanayo shacabka ee isugu jira dhaca iyo dilka.

Warar Keydmedia Online
Kooxo burcad ah oo dhibaato ku haya shacabka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaaa sii xoogeysanaya dhibaatada ay shacabka Muqdisho ku hayaan kooxo burcad hubeysan ah oo si joogto ah dhaac uga geysta degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidanka Amniga iyo Maamulka Degmada Kaaraan oo is kaashanaya ayaa xalay gacanta ku soo dhigay Maleeyshiyaad hubeysan oo maalmihii la soo dhaafay boob iyo dhac ku hayay bulshada ku dhaqan Degmooyinka, Hilwaa, Kaaraan iyo Yaaqshiid.

Tan iyo billawgii sanadkaan waxaa laba jibaarmay, kooxaha dhaca ka geysta Caasimadda, waxaana cirka isku shareertay cabashada shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka andacoonayay kooxo ku hubeysan qoryaha fudud, oo taleefannada kula baxsada mootooyin.

Kooxaha wax ku booba Bastooladaha iyo qoryaha sida AK47, waxaa barbar socdo kooxo kale oo ku hubeysan seefo iyo middiyo, kuwaas qofka yadda ku billaaba ka hor inta aysan ka furan waxa uu wato.

Inkastoo Maamulka Gobalka Banaadir uu ku dhawaad saddexdii bilba mar soo bandhigo kooxo la sheegay in ay boob ku hayeen shacabka, haddna waxaa marba mark ka danbeysa sii kordhaya boobka lagu hayo bulshada ku dhaqan caasimadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.