Kooxo burcad ah oo gacanta lagu soo dhigay

Kooxo burcad ah oo ku hubeysan hub fudud kuwaasoo dhac ka geysta qaar kamida xaafadaha magaalada Muqdisho ayey ciidamada ammaanku gacanta kusoo dhigeen.

Warar Keydmedia Online
Kooxo burcad ah oo gacanta lagu soo dhigay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Amniga iyo Maamulka Degmada Yaaqshiid oo is kaashanaya ayaa caawa gacanta ku soo dhigay Maleeyshiyaad hubeysan oo maalmihii la soo dhaafay dhac ku hayay bulshada Degmada Yaaqshiid.

Amniga guud ee Gobolka Benaadir ayaa sii xumaanayay maalmihii lasoo dhaafay iyadoo ay cirka isku shareereen dhibaatada loo geysanayo shacabka ee isugu jira dhaca iyo dilka.

Xilliyada kala guurka ayaa inta badan la arkaa dhibaatooyinka amni xumada, iyadoo habeen hore taliyaha ciidanka Asluubta oo la hadlayay ciidamada ammaanka uu ku war galiyay in ay jiraan kooxo Argagaxiso ah oo dhibaateynaya shacabka in ay soo galeen magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.