Kooxo Hubeysan oo dilay Afhayeenkii Odayaasha Dhaqanka Hiiraan

Muqdisho (KON) -- Kooxo Hubeysan ayaa Galabtay Magaalada Baladweyne ku dileen Afhayeenkii Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, Xuseen Cilmi Ibraahim.
Warar Keydmedia Online
Kooxo Hubeysan oo dilay Afhayeenkii Odayaasha Dhaqanka Hiiraan

Marxuumka ayaa lagu dilay Xaafada Howlwadaag, waxaana la sheegay in ay Dilkaas fuliyeen Niman Afka u duubanyahay.

Saddex nin oo bistoolado ku hubeysan, kuwaas oo markiiba goobta ka baxsaday ayaa fuliyeen Dilka Xuseen Cilmi Ibraahim.

Wali ma cada sababta iyo cidda ka dambeysa dilka afhayeenka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.