Kooxo Hubeysan oo Maanta Weeraray Xaawalada Amaana Ee Muqdisho

Muqdidisho (KON)- Kooxo hubeysan ayaa maanta weeraray Xaawalada Amaana xarunteeda magaalada Muqdisho, waxaana kooxahaasi ay doonayeen inay dhac u geystaan shirkada.
Warar Keydmedia Online
Kooxo Hubeysan oo Maanta Weeraray Xaawalada Amaana Ee Muqdisho
Ragga weerarka geystay ayaa ahaa labo nin oo hubeysan kuwaasoo gudaha u galay dhismaha Shirkada ee xaafada Buullo-Xuubey ee magaalada Muqdisho. Wararku waxaa ay sheegayaan in ragga hubeysanay ay shaqaalaha shirkadda ay ku amreen inay furaan qasnadda ay lacagta ku jirto hase yeeshee waxaa la sheegayaa in qofkii furaha hayay uu goobta ka baxsaday taasoo keentay in burcaddu aysan u suura galin inay dhac geystaan. Kooxaha ayaa markii ay waayeen lacag ay dhacaan waxaa ay sii qaateen taleefanadii gacanta ee ay iska lahaayeen shaqaalaha Shirkadda. Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho