Kooxo Hubeysan oo Rasaas Khasaare Geysatay Ku Furay Gaari Rakaab Ah

Luuq (KON)- Sadex qof oo rayid ah ayaa geeriyootay 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay Kooxo hubeysan ay rsaas ku fureen gaari rakaab ah oo marayay inta u dhaxeysa Degmada Luuq ee gobbolka iyo magaalada Baydhabo ee xarunta gobbolka Bay.
Warar Keydmedia Online
Kooxo Hubeysan oo Rasaas Khasaare Geysatay Ku Furay Gaari Rakaab Ah

Gaarigaan la rasaaseeyay ayaa markii hore ka soo baxay degmada Luuq, isagoo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobbolka Bay.

Meyadadka iyo dhaawaca dadkaan ay waxyeelada ka soo gaartay shilkaan ayaa la dhigay degmada Yurkud ee gobbolka Gedo.

Diyaad Cabdi Kaliil Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya ee gobbolka Gedo ayaa sheegay in dhacdadaan ay geysteen kooxo manaxayaal ah kuwaasoo uu sheegay inay hadda ku raad joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Arrintaan ayaa waxaa ay cabsi galisay gaadiidka iyo dadka adeegsada wadada isku xirta gobbolada Gedo iyo Bay.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.